HomeWarkiiXulka Qaranka Somalia oo si dirqi ah rigoorayaal looga reebay tartanka Arab...

Xulka Qaranka Somalia oo si dirqi ah rigoorayaal looga reebay tartanka Arab Cup

Xulka kubadda cagta qarankeena Soomaaliya ayaa galabta guuldarro aysan u qalmin kala kulmay dhiggooda Oman, kuwaas oo ay ku wada ciyaareen kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka FIFA Arab Cup 2025.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Abdullah Bin Khalifa Stadium ee magaalada Doha ee dalka Qatar, ayay xidigaha Xulka Soomaaliya soo bandhigeen ciyaar xamaasad leh oo ay marar badan ku gacan sarreeyeen. Garoonkuna wuxuu ahaa mid ay goobjoog ka ahaayeen taageerayaal badan oo si weyn u dhiirrigelinayay ciyaartoyda Xulka Qarankeenna.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaarta oo waqtigeedii caadiga ahaa kusoo dhammaatay 0–0 ayaa labada xul lagu kala saaray gool-kulaad, waxaana 4–1 ku badiyay Xulka Oman.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -