ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Kulan ka tirsan U17 AFCON CECAFA Qualifiers ayay galabta isaga hor yimaadeen Xulalka 17 jirada ee Somalia vs Keynya, kulanka oo aad u adkaa waxaa lagu kala baxay bar baro 1-1 ahaa.
Xulka Kenya ayaa goolka u hor maray waxaana qeybta 1-aad ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay Kenya ku hogaamineysay,xili taageerayaasha Soomaalida ee ciyaarta ku sugnaa oo aan quusan ay taageero xoogan u muujiyeen Xulka Somalia.
Katanka Xulka Somalia Anas Ciise ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta wuxuu dhaliyay goolka bar baraha taasoo ay aad ugu farxeen taageerayaasha Soomaalida gaar ahaana kuwii garoonka ku sugnaa.
Gool ayaa mar laga diiday Xulkeena Somalia waxaana la isku raacay in galabta xulka Somalia u qalmeen inay badiyaan walow bar baro 1-1 ay ku soo dhamaatay.
Xula Somalia oo hada yeeshay dhibicdii labaad ayaa aad loo rajeynayaa inay kaalinta 2-aad guruubka kaga soo baxaan hadii Alle idmo.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM
















