HomeCiyaarahaXulka Soomaaliya ee 17 jirada oo maray tijaabada da’da (MRI)

Xulka Soomaaliya ee 17 jirada oo maray tijaabada da’da (MRI)

XULKA SOMALIA U17 – NATIIJADA (MRI TEST)

Xulka Soomaaliya ee dhalinyarada 17-jirada kuna sugan dalka Itoobiya ayaa xalay maray tijaabada da’da (MRI) taasoo lagu xaqiijiyo in ciyaartoyda ay ka qeybgali karaan tartanka.

22 Ciyaartoy ayaa laga qaaday tijaabada (MRI), natiijada soo baxday waxey xaqiijisay in 20 ciyaartoy ay ka gudbeen halka 2 ciyaartoy ay ku dhaceen.

Ciyaartoyda ku dhacay tijaabada waxey kala yahiin:

  1. Mohamed Ali Mohamed (Goolhaye)
  2. Ibrahim Ali Hussein (Weeraryahan)

Natiijadaan waxey ka dhigan tahay in Xulka Soomaaliya tartanka ka qeybgali doono isla markaana uu buuxiyay shuruudaha ka qeybgalka tartanka.

Macalimiinta & Ciyaartoyda waxey joogaan maalintii 3-aad dalka Itoobiya, waxeyna qaban kalsooni ay uga miradhalin karaan dadaalkii ay mudooyinkii ugu dambeeyay wadeen.

Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta ayaa sidoo kale bogaadiyay macalimiinta & ciyaartoyda, waxeyn dadaal badan ku bixinayeen in xulka sameeyo diyaargarowga sidaan u weyn.May be an image of American football, football and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -