Xuseen C/qaadir Shiikh oo macalin ka ah mid ka mid ah Jaamacada Muqdisho ayaa ku tilmaamay Jaamacadda Accord faraceeda Muqdisho, Jaamacadii ugu horreeysay ee suurtagelisay in ay waxbarasho casri ah helaan ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaasi dhigata.

Macalin Xuseen, oo sharaxayaya farqiga u dhexeeya Jaamacadda Accord & Jaamacadaha kale ee Soomaaliya, wuxuu tilmaamay ka sokow in Accord tahay Jaamacad caalamka laga aqoosan yahay, isla markaana ardayda ka soo baxda heli karaan fursado jihooyin kala duwan ah, haddana in kambas-yadeeda ay ku leedahay Muqdisho loo dhammeystiray dhammaan agabyadii ay u baahnaayeen ardayda.

“Waxaan macalin ka ahay muddo 25 sanno ah mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho qaabka loo qalabeeyay Jaamacadda Accord iyo macalimiinta ka howlgala waxaan oran karaa waa hab casri ah, oo la jaan-qaadi karta Jaamacadaha London, New York & Paris” Ayuu yiri Xuseen C/qaadir Shiikh, isaga oo intaasi ku daray in tillaabada lagu hirgeliyay Jaamacadda ay dhabaha u xaareyso in hay’ado waxbarasho & Jaamacado caalami ah soo tiigsadaan Muqdisho ama Soomaali.

“Ka sokow in waalid kasta ba uu caruurtiisa la jecel yahay inuu helo waxbarasho wanaagsan, haddana runtii tayada waxbarashada Soomaaliya mar walba ma aheyn mid la jaan-qaadi kartay tan Afrika, maanta marka aad booqatid xafiiska Jaamacadda Accord ee Muqdisho waxaad dareemeysaa inaad joogto goob waxbarasho oo aad ku kalsoonaan kartid, waxaan u baahanahay Jaamacado nuucaas oo kale ah” Ayuu yiri Xuseen Macalin, isaga oo kaga mahadceliyay Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed oo xafiiska Jaamacadda si diirran ugu soo dhoweeyay.

“Waxbarashadu, waxay dadeysaa bini’aadamka, cilmigu wuxuu qofka gaarsiin karaa inuu ka fikiro wax badan, waxaanna suurtagal ah in qofku halkii uu markii hore si shaqsi ah ugu fikiri jiray inuu si ijtimaaci ah u fikiro” Ayuu yiri Xuseen C/qaadir, wuxuuna ugu baaqay Jaamacadaha kale ee Muqdisho in ay ku daydaan Jaamacadda Accord.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here