Muqdisho(dayniiile.com)-La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalina ayaa sheegay in Maamul Goboleedyadu soo iibsan karaan hubkii ay doonaan madaama ay ka mid yihiin Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Hubka ay soo iibsan karaan ayuu shuruud ku xiray la taliyuhu taasoo ah inay marka hore inay Dowlada soo maraan.

Advertisement

“Maamul Goboleedyada ma soo iibsan karaan hub Dowlada aysan ogeyn”ayuu yiri Xasan Macalin

Dhanka kale wuxuu ka hadlay dhanka Ciidamada wuxuuna sheegay sida caadiga oo la is ogol yahay maamul Goboleedyada kaliya waxaa loo ogolyahay inay dhistaan Ciidamo Boolis ah iyo kuwa Asluub ah.

“Maamul Goboleedyada wixii qarashaad ah ee is qalabeyn hub iyo ciidanba iyagaa laga rabaa inay is maalgeliyaan,laakiin Dowladu kabid kaliya ayay ku leeyihiin”ayuu yiri La taliyaha

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada oo sheegtay inay Gobolka Hiiraan ku dileen Al-shabaab badan
Next articleSaciid Dani oo si dabacsan ula hadlay Mucaaraka hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here