MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Boliiska ayaa maanta soo xirey Xuseen Maxamuud Xaadoole oo ka soo jeeda Hirshabelle gaar ahaan Gobolka Shabeelaha dhexe islamarkaana la dhashay xildhibaan Cusmaan Xaadoole.
Ninkaan oo dhawaan baraha bulshada lagu arkay muuqaal uu wax uga sheekayay Madaxweynaha Somalia isagoo si gaar ah ugu eedeeyay dhul boobka Magaalada Muqdisho inuu isagu ka danbeeyo.
Degmada Xamar-weyne ayaa laga soo qabtay wuxuuna ku jiraa xabsiga iyadoo dhawaana lagu wado inuu Maxkamada ka soo muuqda si loovgu qaado dacwada loo heysto.
“Reer Muqdisho 3-dii sano ee Xasan sheekh joogay reer Muqdisho waxay ahaayeen reer Qaza oo kale , waxaa u dhimaneyd in la dilo iyo in la xiro waana dhacday xaqiiqatan”ayuu yiri Xuseen Xaadoole dhawaan mar uu hadal jeedinayay waana sababta loo soo xirey sida loo maleynayo.
Sidaas oo kale Odey kale oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Gacameey ayaa maalmo ka hor isla danbigaan loo xirey taasoo ah inuu Madaxweynaha wax ka sheegay, Maxamuud Gacameey Madaxweynaha wuxuu ku tilmaamay beenloow aan karti lahayn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
