Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal degaya Sanad guuradii 54-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta.

“Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal degaya Sanadguurada 54-aad ee Aaskooda” ayuu yiri Gen Ibraahim Sheekh Muxudiin.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal-degaya sanada guurda 54-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta oo aheyd 22- Feb-1970, isaggoo u rajeeyay Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xiggeenada, Dableyda Ciidanka Asluubta iyo Xaasaskooda in sanadkaan sanadkiisa xiga ay ku gaaraan Horumar iyo Baraare.
=Raadiyaha Ciidamada=May be an image of 3 people and dais
Previous articleQaban qaabada aaska Meydka Macalin C/raxmaan Maclow oo Saaka ka socota Muqdisho
Next articleMacalin Cr/raxman Maclow oo la aasay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here