Xuska sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka Deg-Degga
Muqdisho, 26 December 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka Deg-Degga ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Waaxdaan oo laf dhabar u ah adeegyada Dowladda Hoose ay u heyso Bulshada Gobolka Banaadir ayaa waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2012-kii, iyadoona Howlwadeenada waaxdaan ay gurmad naf hurnimo ah u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, haba ugu darnaato xilliyada ay kacaan dababka.

Duqa Magaalada Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday dadaalada Naf-hurnimo oo ay howlwadeenada Waaxda Gurmadka Deg-degga ay sameeyaan, asigoona xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay tayeynta iyo ka warqabka Howlwadeenada waaxda, maadaama ee yihiin kuwa ka shaqeeya shaqada ugu adag ee lagu bad-baadiyo Nafta iyo Maalka Shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda Gurmadka Deg-degga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdiqani Maxamed Axmed, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlwadeenada Waaxda Gurmadka Deg-degga.
—DHAMMAAD—
May be an image of 6 people, ambulance, hospital and textMay be an image of 6 people, hospital and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 10 people, ambulance and textMay be an image of 11 people, ambulance and textMay be an image of 2 people, beard and people smilingMay be an image of 7 people, ambulance, street and textMay be an image of 7 people, ambulance, street and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 10 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 9 people
Previous articleDowlada Kenya oo cabsi ka muujisay in Alshabaab weeraraan xafladaha maalmaha kirismiska
Next articleSh.Aadan Madobe iyo Cabdi-Xaashi C/laahi oo Maanta Xafiisyadooda ku qaabileen Xildhibaanad Hodan+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here