HomeWarkiiXuska Sannad-guurada 82-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho ka socota 

Xuska Sannad-guurada 82-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho ka socota 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka socota Munaasabadda dabaaldegga xuska 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyadoo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin badan sida Taliyaha Booliiska iyo saraakiisha Booliiska guud ahaan.

Sanad kasta maanta oo kale 20-ka December ayaa la xusaa aas-aaskii ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo sanadkaan 2025 jirsadayy 82 sano waxaana qarnigii uga harsan 8 sano oo kaliya,guud ahaan ciidamada Dowlada waxaa ugu horeeyay ee la aas  aasay Booliiska.

Sida caadiga ah waxaa dabaal dega lagu sameeyaa gada ka ciyaar ay soo bandhigaan ciidamada Booliiska si ay u muujiyaan shaqada ay u hayaan bulshada madaama lagu tilmaamo saaxiibka bulshada,inta badan Booliisku waxay ka dhex howlgalan bulshada oo ay amnigooda iyo aqlaaqdoodaba ilaaliyaan.

Ciidamada Booliiska waxay u sii kala baxaan qeyno sida kuwa ilaalada taraaikada baarsta danbiyada ,booliis milataariya,kuwo si gaar ah u tababaran iyo Booliska caadiga ah ee la wada garanayo.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Asad C/laahi Cusman ayaa hogaaminaya munaasabada madaama uu yahay sarkaalka ugu sareeya Booliiska,Taliye Asad wuxuu goor dhaw goobta munaasabada ku soo dhaweeyay saraakiil iyo masuuliyiin kala duwan sida Agaasimaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, suit and weddingMay be an image of flute, clarinet and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and headscarfMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and headscarfMay be an image of one or more peopleMay be an image of textMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -