HomeWarkiiXusuusta Qaraxii Zoope ee sanadkii 2017-kii oo galaaftay nolosha Soomaali aad u...

Xusuusta Qaraxii Zoope ee sanadkii 2017-kii oo galaaftay nolosha Soomaali aad u badan

14-kii Oktoobar maanta oo kale sanadkii 2017-kii oo dalka uu Madaxweyne ka ahaa Xildhibaan Maxamed C/llaahi Farmaajo islamarkaana uu Ra’iisulwasaare ka ahaa Xasan Cali Kheyre waxaa Muqdisho ka dhacay qaraxii abid ugu weyna uguna khasaare badanaa gaar ahaana wuxuu ka dhacay isgoyska Zope.

Qaraxaasi ayaa dadka ku dhintay bilo badan marba xisaab lagu sheegayay madaama dad badan nolol iyo geeri lagu weysnaa oo qaarkood jirkooda uu jar jarmay sidaas daraadeedna xog sax ah laga waayay.

Allaha u naxariistee Wasiirkii Waraainta ee xiligaasi Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa asbuuc kadib qaraxaasi markii uu dhacay wuxuu  BBC laanteeda aka Soomaalida u sheegay  in la diiwaan geliyay dhimashada 358 ruux halka markaas dhaawacana uu ku sheegay 228 qof balse maalinba maalinta ka daneysay , bil kasta bisha ka sii danbeysay tirada Dowladu kor bay u sii qaadaysay ilaa qiyaasta dhimasha lagu dhaweeyo ilaa hada inay gaartay Kun ruux.

Kooxda Alshabaab ayaa ka danbeysay qaraxaasi oo gaari xamuul ah laga soo buuxiyay walxaha qarxa bartanka loo dhigay isggoyska Zope iyadoo wararkii kala duwana ee xiligaasi marba si loo macneynayay,bar koontorolka Ex Koontorool Agooye waxaa la sheegay in gaariga lagu istaajiyay la baaray laga shakiyay kadib uu sarkaal Dowlada ka tirsan damiintay sida xogaha qaar lagu baahiyay inkastoo xaqiiqada uu Alle oo kaliya ogyahay.

Waxaa ka soo wareegatay 8 sano , si kastaba maanta waxaa Alle u qadaray shacabka reer Muqdisho ee dhibaatada badan soo maray inay manta heystaan nabad ay ku noolaanayaan oo qaraxyadii iyo dilalkii araha badana meesha ka baxeen islamarkaana sida dalal badana oo dunida oo ka jira oo kale  qaraxu hada noqday mid mar mar dhaca, iyadoo aad loogu amaano Dowlada Madaxweyne Xasan hogaamiyo isaga iyo kooxdiisaba in Alle ku guuleeyay inay amniga Caasimada wax badan ka badaleen hadana uu ka socdo horumao dhanka dhismaha Rabi ha noo siyaadshee.

WAXAA QOREY: WARIYE SUUD MA QAATE
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

qarax

May be an image of car and textMay be an image of one or more people, fire and textMay be an image of fireMay be an image of fireMay be an image of fire

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -