Dagaalyahanada Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Dalka Iiraan ayaa jawaab adag ka bixiyay qorshe Mareykanku wado oo ah inuu sameeyo isbahaysi ka dhan ah kooxdaasi marka la eego weerarada ay ka wadaan Badweynta Hindiya.

War ka soo baxay Xuutiyiinta oo lagu soo daabacay Aljazeera ayaa lagu sheegay inay ka hor tagi doonaan talaabada mareykanka.

Advertisement

“Waanu ka hortagi doonnaa isbahaysi kasta oo uu Maraykanku hoggaamiyo oo ku sugan Badda Cas”ayuu yiri  Mohammed al-Bukhaiti, oo xubin ka ah xafiiska siyaasadda kooxda Xuutiyiinta Yeman.

Sarkaalkaan wuxuu xusay inuu jiro xiriir aan toos ahayn oo ay sameeyeen waddamo uu ku jiro Mareykanka si ay isugu dayaan inay ka hortagaan weerarradooda joogtada ah ee maraakiibta ku sugan Badda Cas.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant iyo xoghayaha difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin ayay ku soo hadal qaadeen arinta xuutiyiinta

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Mareykanka uu qaadaayo tallaabo uu ku dhisayo isbaheysi caalami ah si ay uga hortagaan  weerarrada Xuutiyiinta.

Sarkaalkaasi u hadlay xuutiyiinta Mohammed al-Bukhaiti wuxuu dhanka kale gabi ahaanba qaadacay qorshe waan waan ah oo mareykanku soo bandhigay si ay u joojiyaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta Yuhuuda.

=SOURCE ALJAZEERA=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo Jabuuti kaga qeybgalaya shirka Mac-hadka Heritage
Next articleWar cusub oo ka soo baxay rajada laga qabo xabad joojinta Dagaalka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here