Dagaal-yahanada Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa xalay warbaahinta u xaqiijiyay inay gubeen markab xamuul ah oo watay calanka dalka Holland kaasoo wali ku gubanaya marin biyoodka Gacanka-cadmeed kadib markii ay ku dhuftyeen gantaal.
Sarkaal Af-hayeen u ah Dagaalamayaasha Xuutiyiinta ayaa ku eedeeyay markabka inuu ku soo xad-gudbay go’doominta ay ku hayaan Dekedaha Falastiin ee Yuhuudu xoogga ku heysato si ay uga hortagaan inay danahooda ku ushadaan dekadaasi oo ay agab ku soo degsadaan.
A-hayeenka oo lagu magacaabo General Yahya Saree ayaa intaasi ku sii daray inay u adeegasadeen burburintiisa gantaal cruise ah kaasoo gabi ahaanba baaba’shay marlabka ku socdaalayay calanka Dalka Holand.
War ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in weerarkani ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah shaqaalaha markabka oo tiradooda ahayd 19 ruux kuwaasoo dhamaantood laga daad-gureeyay markabka si ay natooda looga bad baadassho.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
