HomeWarkiiXuutiyiinta Yemen oo qirtay inay Burcad Badeeda Soomaalida ka caawiyaan afduubka...

Xuutiyiinta Yemen oo qirtay inay Burcad Badeeda Soomaalida ka caawiyaan afduubka Maraakiibta

Dagaal-yahanada Reer Yemen ee loo yaqaan Xuutiyiinta islamarkaana garab ka hela Dowlada Iiran ayaa markii ugu horeysay waxay qirteen inay Burcad badeeda Soomaalida ay ka caawiyaan qafaalka ama afduubka Maraakiibta ganacsi ee mara xeebaha Yeman.

Xuutiyiinta waxay si gaar ah u sheegeen inay Burcad badeeda Soomaalida ka caawiyeen qafaalka markabka Shidaalka ee dhawaan Soomaalidu ka soo afduubteen gudaha xeebaha yeman iyagoona hada u heysta xeebaha Somalia gaar ahaan Gobolka Bari ee puntland.

Markabkaan lagu hayo xeebaha Puntland waxaa uu wataa calanka Dalka Togo waxaana shaqaalaha ugu badan ee saaran ay yihiin Masaari,kooxda burcad badeeda waxay dalbadeen lacag badan oo madax furasho ah.

Dhanka Burcad Badeeda iyagu si rasmi ah ugama hadlin qirashada Xuutiyiinta, dhanka kale  maamulka Puntland ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxay warbaahinta u sheegeen inay qabteen koox ka tirsan burcad badeeda islamarkaana diyaar u yihiin inay si dhab ah uga hortagi doonaan afduubka ay wadaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -