War ka soo baxay Dowlada Mareykanka ayaa lagu baahiyay inayDagaal yahanada Yamaniyiinta ee Xuutiyiinta ay u Aqoonsadeen argagixiso caalami ah kadib weeraro badan oo ay ka gaysteen badda Cas.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa durba ka hadlay warkaasi mareykanka ka soo yeeray wuxuuna sheegay in aqoonsiga argagaxisenimo ee Mareykanka aysan saameyn ku yeelan doonin weerarada ay ku hayaan Maraakiibta Yuhuuda iyo Mareykanka.

Advertisement

Afhayeenkaan wuxuu intaasi ku daray in markii horaba ujeeedka weeraradooda uu ahaa sidii ay ugu hiilin lahaayeen walaalahood reer Falastiin hadana ay sii wadayaan.

Talaabada ay Washington qaaday Arbacadii in ay kooxda ugu darayso liiska argagixisada caalamiga ah ah ayaa timid ka dib markii Maraykanku uu bilaabay duqaymaha bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen si uu uga jawaabo weerarrada xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta ku sugan badda cas.

Weeraradan oo ay qaadayeen kooxda xulafada la ah Iran tan iyo bishii November ayaa carqaladeeyay ganacsigii badda ee Aasiya iyo Yurub.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda ay ku beegsanayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ayna sii wadi doonaan weerarada ay ku beegsanayaan bartilmaameedyada ilaa inta uu istaagayo dagaalka Israa’iil ee Gaza.

=SOURCE ALJAZEERA=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Houthis in Yemen

Previous articleDAAWO: Madaxweyne Xasan oo gaaray Dalka Uganda
Next articleku dhawaad 40 Tahriibayaal u dhashay dalka Tuniisiya oo lagu la’yahay badda Mediterranean-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here