WAXAA QOREY: YAXYE SH. CAAMIR

Yaa Dabaalahoo Duurka loo diraa

Advertisement

F+F, Ma foowlo iyo Fidnaa? , ma Fahad iyo Farmaajaa? Ma Firqo kale oo hadda soo foocdaa? ( F.S: 1-4aad)

Gabyaagii caanka ahaa ee Masaarida Abwaan Axmed Showqaa ayaa yiri: Dawaco ayaa Maalin ku soo labisatay Dharkii Culimadda, si ay u wacdiso Dadka. waxa ay sheegtay in ay xumaantii iska dhaaftay, waxa ay ka codsatay Diiq in uu indhaha isku qabsado oo uu Salaadda Aadaamo. Si ay u cunto marka uu idhaha isku qabto. Diiqii ayaa yiri: waxaan Awoowayaashey ka maqli jiray Dardaaran ahaa: Waxaa dhunsan Ninkii Maalin u maleeyo in Dawaco Diin ay leedahay. (F.S:5-6aad)

Dawacadu waxa ay damacsaneed ( 7-10aad)

Madaxweynihii 16aad ee Mareykanka, Abraham Lincoln ayaa yiri: ( Dadka oo dhan waad Siri kartaa Wakhtiga qaar, Dadka qaarna waad Siri kartaa Wakhti kasta. Laakin Dadka oo dhan ma siri kartid Mar kasta). ( F.S: 11aad)

F+F, wakhti kooban ayeey Dadka badankiisa sireen, Dad yar ayaa weli u siran, laakin Dadka oo dhan mar kasta ma siri karaan.
Heeh, yaa mar kale la gaadooyaa?

Somalidaa ku maahmaahdu ( Mar i dage Alla ha Dago, mar Labaad i dage isageey dagay, mar Sadaxaad i dage Anigeeys dagay)

Maanta Somaliya Labadii Nin ee F+F ayaa leh: waxaan wadnaa Talo, Dadka iyo Dalka lagu badbaadinayo oo wax ku ool ah. Wixii hore ee khalad ahaa ee aan sameynay ha leyska hilmaamo, indhaha isku qabsada ee Taladeena qaata, waa sida danteenu ay ku jirto Dilkiina iyo Dar xumadiina ayaan ku diirsanaa.

Waxaa ay hilmaameen Dardaarankii, Nabaddoon:Xassan Geedi Abtoow uu ilmahiisa kula dardaarmay ee ahaa: K+K+K+K+K. ( F.S:12aad)

Duul kale oo F+F la dabeecad ah oo kuu duuganna waa jiraan oo Dalka oo dhan duulaan ku ah, ee Dadkeeyga Somaliyeedoow Dareemanaadda.

Waa iga talo.

Qore: Yahya Amir

Previous articleAqoon isweydaarsi loo qabtay Golaha Wakiilada Puntland
Next articleMareykanka oo qalab milatari ugu deeqay Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here