Yaa fulinta ah, ma RW-ha mise Madaxwaynaha.?

0

Waxaa jirta arrin aad loo dhayalsanayo, mustaqbalka dhowna ay suurtagal tahay in ay khilaaf curiso, haddii aan si cad loo bayaanin, taasoo ah; awoodaha isku milqan ee Madaxwaynaha & R/wasaaraha.

Shirarka siyaasadeed ee madaxda Dowladdu ay la galayaan madaxda dalalka kale, Madaxwaynaha & Raysul wasaaraha yeey tahay inuu qaabilo.?

Soomaaliya, waxaan leedahay system baarlamaani ah, laakiin waxaan u dhaqanaa sida Dowlad Madaxwaynuhu shacabka ay soo doorteen, oo madaxweynuhu awood leeyahay.

Shaqada waa la kala leeyahay, Raysul wasaaraha isaga ayaa madax ka ah fulinta, Madaxwaynaha wuxuu huwan yahay astaanta Qaranka, waana ilaaliyaha sharciga, sooma fara gashan karo howsha fulinta.

Madaxweyne MC Farmaajo wuxuu tegay Asmara, wuxuu u tegay
shir siyaasadeed, isaga miyaa leh awoodad fulinta.?

Ku tumashada Dastuurka waxaa qeyb wayn ka ah, bulshadeena oo ah kuwa Dastuurka akhrin, ama warbaahinta oo ah tan u dhexeysa shacabka iyo Dowladda oo kaalintaas ka gaabisay, haddii hay’adaha Dowladda tan Dastuurka ku xadgudubta la tilmaami lahaa, qaladaad tiro badan oo dhacay ma dhici lahayn.

EEG: Awooddaha Madaxwaynaha & R/wasaaraha, ee Dastuurku ku qeexan:

Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Awoodaha iyo xilka Madaxweynaha waxaa ka mid ah:

(1) Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaaladda dagaal, si wafaaqsan sharciga.

(2) waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.

(3) Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu,.

(4) Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).

(5) Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-kuxigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.

(6) Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalku, si sharci looga dhigo.

(7) Wuxuu furaa Golaha Shacabka.

(8) Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.

(9) Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale. Guddiga Dib-u-habeynta Qabyoqoraalka Dastuurka 38

(10) Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.

(11) Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu.

(12) Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo.

(13) Wuxuu qaabbilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiillada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.

(14) Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo.

(15) Madaxweynuhu wuxuu kala diri karaa Golaha Shacabka marka ay muddadiisa xilku dhammaato, si doorasho ay u aadaan.

(16) In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka taloqaato Guddiga Adeegga Garsoorka.

(17) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.

CUTUBKA SIDDEEDAAD: LAANTA FULINTA Qodobka 97aad.
Golaha Wasiirrada

(1) Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh Golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman.

(2) Golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, Wasiirro-Dawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno.

(3) Ra’iisul-wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirroDawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno. Golaha Wasiirrada waa ay ka iman karaan xubin ka mid ah Golaha Shacabka iyo xubin aan ka mid aheyn Golaha Shacabkaba.

(4) Xil banneeynta jagada Ra’iisul-Wasaaraha oo sababaysa dhicitaanka Golaha Wasiiradda, waxay ku imaan kartaa istiqaalad, xil ka qaadid, xil gudasho la’aan iyo geeri.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here