Yaa kala gooyay Kaartadii Qof & Cod ?

Qof iyo cod waxa ay ahayd qorshe lagasoo shaqeeyay oo suuratagal ka dhigi karay in madaxwayne farmaajo xilka sii hayo sanado badan, waxaase jiray caqabado is biirsaday oo lugta qabtay qorshihii Qof iyo Cod,

Madaxwayne farmaajo & Team-kiisa ayaa waqri iyo maskax galiyay sidii ay sanado u hayn lahayeen ralada dalka, waxaase hor istaagay fashilkii doorashasa puntland kusoo baxay siciid deni & Dowladda kenya oo diiday in ay Ka baxdo garabka Axmad madoobe,

hadii doorashada puntland uusoo bixi lahaay musharixii ay wateen Team-ka madaxwayne farmaajo, waxaa si fudud looga gudbi lahaay isbaarada Axlmad madoobe waxaana si xarago leh siyaasadda dalka ugali lahayd gacanta Nabad & Nolol, Taasoo ay adkaan lahayd in lagala wareego Hogaanka dalka muddo dhaw,

kadib fashilkii doorashada puntland Nabad& Nolol ayaq xoogga saartay jubbaland iyadoo jid walba u martay sidii ay isaga hor wareejin lahayd hogaanka jubbaland ee Axmad madoobe, balse wax walba waxay ka socon waayeen ciidanka kenya oo kuna jooga magaca Amisom, kuwaasoo taageero buuxda u sameeyay Axmad maddoobe,

inta badan khilaafka xargaha goosray ee shax maray dowladda kenya iyo dowladda federaalka ee Nabad & Nolol hogaamiso ayaa ka dhashay Ciilka ay Nabad & Nolol ka qaatay fashilintii kenya fashilisay qorshaheeda jubbaland,

waxaa lays waydiin karaa maxaay tahay sababta kenya ugu adkaysatay taageerada Axmad madoobe, taasoo ay kasoo gaartay in la hakiyo ishii dhaqaalaha kenya ee jaadka, kolay qorshaha ulajeedka kenya waa mid la ogaan doono Mustaqbalka dhaw, balse waxaa shaki ku jirin in Carrada DFS kala dul dhacday kenya aysan ahayn arin qusaysa Dacwadda badda, balse ay tahay doonistii fashilanray ee afgambiga axmad madoobe,

iyado dowladda ay hogaamiso Nabad & Nolol hirgalisay qorshayaasheeda fudadaynaya sii haynta talada soomaaaiya, kuna guulaysray 55%, rajana kaqabta in ay gaarto tirada ka dhiman boqolayda ee 100%, una diyaarsatay qaab ay ku heli karto waqti kordhin loo marayo Waxaan qabanaynaa doorasho qof & cod ah, taasoo beesha caalamka la dhacsanaayeen una guuxayeen , ayaa waxaa arinta docda ka dooxay ra’isul wasaarihii Xassam cali khayre oo isagaba isha ku hayay saan qaadka Nabad & Nolol, waxa uu kusoo aadiyay dagaalkiisa waqti uu islahaay Nabad & Nolol dagaal uma furna oo uma saamixi doono waqtiga haray.

Nabad & Nolol oo wayrax ku dhacay kana Naxday in khayre diidan yahay fikirkooda si cad ,kana xun Shirkii Dhuusamareeb2 ee uu abaaaulay xassan Cali khayre Iyadoo u aragtay shirkaas kawaankii lagu qali lahaay, ayaa wayraxa ay ka qaatay shirkaas ku dur durisay xassan cali.khayre, khayre oo markii hore ku xisaabramayay in Nabad & Nolol aysan xiligaan dagaal iyo dood isku furi karin, ayaa ogaaday in Xaalku joogo wayrax siyaasadeed dibi wayraxayna laga filan karo wax walba in uu geeska ku qaado, ayaa isaga tagay xafiiska,

Wayrax siyaasadeedkiii ka dhashay fashilka isdaba jooga ah ee ku dhacay qorshayaashii Nabad & Nolol ugu talo gashay in ay talada dalka ku haysato ugu yaraan laba xilli, ayaa illaa maanta taagan, Waxaase lawada dhowrayaa halka ay ku dambayn doonto siyaasadda wayraxsan.

Qorre: ibrahim Hassan Awale..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here