Madaxwayne Ahmed Abdi Kaarie qoor qoor, waxaa loo diiday xasillooni siyaasdeed waxaana lagu abuuray xasaro joogto ah, sidaa ay tahayna waxa uu uga dabaashay si geesinimo & karti huwan.

Iiga jawaab laba su’aal si ummada u ogaato qofka dayacay Galmudug Ma qoor qoor mise qaylo wayn, Anigu waligay lama kulmin qoor qoor wax aqoon ahna nagama dhaxeeyaan, balse waxaan aqaan taariiqda Galmudug caqabadihii taagnaa qoor qoor kahor iyo dadka abuuray iyo waliba isbadalka maanta iyo heerarka uusoo maray.

1- qoor qoor waxa uu soo saaray xildhibaanadii ugu badnaay ee mucaaradka waliba kuwooda hada sida xoogan uga ololeeya Gudaha golaha shacabka, hadii uu Abshir buqaari reebay waxa uu keenay walaalkiis, laakiin tartankii uu abdihakiin moalim ugalay qabashada xilka guddoomiye xigeenka aqalka sarre waxaa caqabad ku ahaay oo dacaayad ladaba taagnaay hoosna udhigay rajadiisa isla kuwa hada qoor qoor eedaynaya!!.

Sida lawada ogyahay Cabdixakiin Moalin (Bidaar) waxa uu ahaay xisbiga qaylo wayn kahor inta aysan ju kala tagin Danta Galmudug, maanta waxaa dagaal lagalay oo reebay isla kooxda Qaylo wayn ee kasoo jeeda Galmudug, yaa leh Eeda ma qoor qoor Mise Qaylo wayn?.

Tan labaad waxay tahay Madaxda Maamulada waxaa lasiiyay Jaanis ay dadkooda ugu adeegaan balse qoor qoor waxaa lala daba taagnaay qori holcaya tan & maalintii uu xilka qabtay, hadaba waxaa su’aal ah ma waxaad rabtaa in guul lagaaro adigoo qaylo & qoryo dab ah ladaba taagan madaxdii Galmudug oo kaa nasan La” ?

Maamul & Madal arday waxay ubaahan tahay deganaan, balse hadii aad deganaanta udiiday maamulkii Galmudug waxaa lawaydiinayaa kooxda Qaylo wayn yaa Sabab u ah Gaabiska Galmudug ma adinka Mise qoor qoor ? .

Xilshibaan cabdixakiin Macalin waxaa reebay kooxda Qaylo wayn oo ciil hore uqabtay ee mareebin Qoor qoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here