Ilo xogogaal ah ayaan ka soo xiganay in Yaasiin-fareey oo ah ninka ay Villa Somalia la doonayso Kursiga Baarlamaan ee uu muranka ka taagan yahay ee #HOP067 uu caawa ku gacan-sayray talo ay soo jeediyeen qaar ka mida musharraxiinta iyo Odayaasha beesha ee jooga Dhuusamareeb oo ku taliyay in dib loo dhigo Doorashada kursiga oo berrito loo madlan yahay.

Taladaan waxaa si gaar ah u soo gudbiyay Nabaddoon Cabdullaahi Geeddi Shadoor iyo Janaraal Gacmadulle oo ka duulaya khilaaf iyo qayladhaan uu kursiga ka dhex dhaliiyay beesha. Laakiin Yaasiin-fareey oo xiriir iyo la-tashi la sameeyay Fahad Yaasiin ayaa sida aan xogta ku heleyno waxaa la soo faray in aanan la baajin karin doorashada kursiga, si kastoo ay cabasho beesha uga dhex jirto.

Fahad Yaasiin ayaa u muuqda inuu ku adkeysanayo sidii kursi Baarlamaan loogu fadhiisin lahaa Yaasiin fareey oo la aaminsan yahay inuu yahay gacanyarihiisa, qaybna ka ah eedeynta kiiska Ikraan Tahaliil.

Waxaa la yaab leh in Fahad Yaasiin iyo Farmaajo go’aan ka gaarayaan Kursi ay leedahay Beel kale oo Soomaaliyeed. Sidee u aragtaa?

Cali Aadan Muumin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here