HomeWarkiiYaasiin Fareey oo sheegay inuusan dalka ka cararin

Yaasiin Fareey oo sheegay inuusan dalka ka cararin

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Yaasiin Fareey oo warysi siiyay Idaacada Risaala ayaa  beeniyay inuu dalka ka cararay isagoona muujiyay inuu mowqifkiisii ku taagan yahay oo uu diidan yahay sida Dowladu u maamuleyso suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Madaama uu hub suuqa la tagay maalmo ka hor uuna sheegay inuu difaacayo suuqa islamarkana  uu la dagaalayo Dowlada ayuu mar uu ka hadlayay halka xaalka ku danbeeyo wuxuu sheegay in Dowladu suuqa geysay ciidamo ilaa  kun askari gaaraya kadibna sidaas ay burburinta ku bilowday Dowladu.

“waxaa la iga faafiyay inan heshiis la qaatay Dowlada ,waxaa la iga faafiyay inaan dalka ka baxay waxba kama jiraan”ayuu yiri Yaasiin Fareey.

Xildhibaanka wuxuu ka hadlayay farqi uu sheegay inuu u dhexeeyo qorshihii Dowlada ee dadka dhulalka loogu cabiro ama dan guud laga dhigo iyo sida hada wax loo wado,wuxuu xusay in reer Siinaay loo diiday in iyaga loo cabiro ama xataa dan guud laga dhigo.

Xildhibaanku wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowladu rabto in dhulkaasi ganacsato aan deegaanka u dhalan laga iibinayo taasna ay tahay waxa ay diidan yihiin

“4000 ciidan ah ayey dowladdu geysay Suuqa Siinaay, ballantiina ay qaadayna waa nooga baxday,haddana marna ma ogolaan doono in la dego dhulka Suuqaasi” ayuu mar kale yiri Yaasiin Fareey

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -