Mid ka mid ah shuruudaha Musharaxnimada golaha Shacabka ee ka midka ahaa habraacii doorashada.

Qodobka 8aad in Saraakiisha/Taliyeyaasha Ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa bannaan ee Qaramka haddii ay tartamayaan inay is casilaan Saddex todobaad ka hor waqtiga diiwaan gelinta.

Haddaba Kusimaha Taliyaha NISA G/Sare Yaasiin Farey ayaa gudbin wax istiqaalad ah, markii uu is sharaxayay, sidoo kale markii uu ka degay Dhuusamareeb isagoo Taliye ah ayuu tahay oo ay ilaalinayeen Ciidanka NISA ee uu madaxda u yahay.

Gaashaanle Sare Yaasiin Farey ayaa maanta qaatay shahaadada musharaxnimo ee kursiga tirsigiisu yahay HOP#67 maalin kaddib markii Xafiiska Xeer ilaalinta uu ka beriyeelay kiiska Ikraan Tahliil.

Yaasiin Farey waa kusimaha Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka qaranka ee NISA, waxa uu u tartamayaa kursiga uu ku fadhiyay Xildhibaan Cabdullaahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees), waxaana sidoo kale ku rejo weyn musharixiin kale.

Kursiga HOP#067 ayaa deegaan Doorashadiisu tahay Galmudug waxaana lagu dooranayaa Magaalada Dhuusamareeb maalmaha soo socda sida uu sheegay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Dowlad-Goboleed Galmudug.

Dhanka kale, Waxaa maanta la diiwaangeliyay musharixiinta kuraasta kala ah:

HOP#043

HOP#054

HOP#104

HOP#067

HOP#026

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Galmudug ayaa rejo ka muujiyay in waqtiga ku habboon lagu soo gabagabeeyo doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Shuruudaha musharrixiinta waxaa kamid ah in qofka xil haya uu iska casilo 3 todobaad kahor waqtiga diiwaan galinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here