HomeWarkiiYemen oo ganaatlo la dhacday Yuhuuda si ay ugu hiiliyaan Iiraan...

Yemen oo ganaatlo la dhacday Yuhuuda si ay ugu hiiliyaan Iiraan iyo Xamaas

SANCA (DAYNIILE.COM)-Warsaxaafdeed ka soo baxay Ciidamada Yemen ayay kaga hadleen xaalada dagaalada bariga dhexe ka socda kaasoo u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan xili maanta ku sedex uu socdo dagaalka oo u badan weerar iyo weerar celis dhanka cirka ah.
Warka yemen ayaa Bisinka oo ay ku bilaabeen iyo mahadcelinta Alle kadib waxay ku shaaciyeen warkooda inay taageere u muujiyeen dulmiga lagu hayo shacabka reer Falastiin gaar ahaan kuwa Gaza,sidoo kale waxay sheegeen inay Iiraan taageere siinayaan.
Warsaxaafadeedka Yemen waxaa lagu cadeeyay inay weeraro gantaalo la beegsadeen bartilmaameedyo xasaasi ah oo Israel leedahay gaar ahaan gobolka la haysto ee Yaffa.
Weerarada ay ku qaadeen Yuhuuda ayay Ciidamada Yemen sheegeen inuu si guul ah ku dhacay mudo ku siman 24-kii saac ee la soo dhaafay xili ay adeegsanayeen gantaallo nuuca hypersonic ballistic missiles.
Warka Ciidamada Yemen ka soo baxay waxaa sidoo kale lagu amaanay looguna hambalyeeyay ciidamada kala duwan ee Dalka Iiraan sida ay ugu jawaabeen weerarka kaga yimid Yuhuuda.
Sidoo kale Warka ka soo baxay ciidamada Yemen waxaa lagu xusay inay wali ku taagan yihiin ballantii ay la galeen shacabka falastiin gaar ahaan kuwa  Gaza iyo iyo mujahidiinta Xamaas.
Yemen waxay soo jeedisay  si loo joojiyo dambiyada Israel ay ku hayso walaalaha Gaza in meel looga soo wada jeesto Yuhuuda maxaa yeelay ayay warkooda ku siid areen in cid kasta way qabsan karto waxa maanta lagu hayo reer Gaza.
“ha noolaato Yemen- xorta ah, sharaf leh, madax-bannaan!
Guul ha gaarto Yemen iyo dhammaan dadka xorta ah ee ummadda Islaamka”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ciidamada Yemen maanta oo axad ah.
XAFIISKA WARARKA SIYASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -