Dhowr iyo Soddon musharax madaxweyne oo u tartamaya xilka madaxweyne 10aad ee Soomaaliya ayaa tegey xerada Afisyooni oo ay ka dheceyso doorashada madaxweyanaha Soomaaliya; 6 kamid ah ayaa sameeyey olole iyo abaabul weyn oo ay ku doonayaan in ay ku helaan codod badan oo u suuragelin kara  qabashada xilka madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Siciid Deni, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Farmaajo; ayaa 24; saac ee tagtay waxa ay ku jireen dadaal iyo abaabul weyn oo ku saabsan muujinta taageerada ay ka haystaan Baarlamaanka, haddaba side 6daa Musharax ugu kala horreeyaan tartanka doorashada madaxweynaha 10aad ee dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud

Waa madaxweyne hore waana hoggaamiye si weyn u diifaacay dastuurka, dhismaha dowladda iyo xuquuqda dadweynaha intii uu socday halgankii loogu jiray qabsoomidda doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada, 2012; waxaa uu ku guuleystay 190, 2017 na waxa uu helay 97Dowlad-goboleedyada iyo Caasimadda Waxa looga arkaa  musharax heybad iyo maamuus leh, ku fiican ballamaha iyo fulinta ballanqaadyada, leh kalsooni iyo aaminaad guud taas oo macnaheedu yahay in dadka kale ee kujira siyaasaddu ay siyaasad ahaan aamini karaan, la yeelan karaan isbaheysi iyo maamul wadaag, waa musharax ay u badan tahay in uu noqdo madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed;

Wa amadaxweynihii 7aad ee Soomaaliya; waxa u kamid yahay musharixiinta ugu horreeya tartanka, markii 4aad ayuu u tartamayaa xilka madaxweynaha Soomaaliya,  2008; waxa uu madaxweyne ku noqday 293; cod, 2012; waxa uu helay 79; cod, halka 2017na uu hellay 49; cod.

April-2021; markii Farmaajo sameystay muddo kordhinta iskuna deyey in uu dalka ku xukumo si xoog ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu kaalin wanaagsan ka qaatay dadaaladii ku saabsanaa dib u soo celinta nidaamka tala-wadaagga iyo illaalinta dastuurka.

Siciid Deni

Siciid Cabdullaahi Deni; waa madaxweynaha DG Puntland, 2017 waxa uu u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya waxa uu helay 18; cod, 2021 waxa uu safka hore uga jiray madaxdii dowlad-goboleedyada ee diidday kana soo horjeesatay muddo-kordhintii Farmaajo islamarkaana dadaalka badan ku bixiyey in doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyadu u dhacaan si nabad ah.

Ololaha Deni waxa uu ka soo billowday Puntland hayeeshee markii uu u soo wareejiyey caasimadda waxaa kahor yimid dhowr caqabad oo ay kamid yihiin xiisaddii maamul ee ka dhacday Puntland iyo mucaaradkiisii Puntland oo ula soo guuray Muqdisho, siyaasiyiin xubno ka ahaa xukuumadihii hore Punlad islamarkaana kamid ahaa mucaaradka Siciid Denii ayaa  yimid Xamar iyaga oo wada olole k adhan ah Siciid Deni, taasina waxa ay cakireysaa xawaaraha Siciid Deni.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur:

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Waa Wasiirkii hore ee Qorsheynta, 2017 ayuu u tartamay xillka madaxweynaha Soomaaliya waxa uu helay 9; cod; waxa uu kamid ahaa hoggaamiyeyaashii Mucaaradka ee sida adag uga horyimid dib u dhigidda doorashada Baarlamaanka iyo madaxtooyada.

AAW; waxa uu kamid yahay musharixiinta sida adag u sameeyey ololahooda doorashada islamarkaana muddada dheer kujiray ololaha iyo abaabula siyaasadda, waxa uu sameeyey dadaal dheer oo u uku wajahan sidii u uku noqon lahaa madaxweynaha 10aad ee dalka.

Ololaha AAW; marka dhinaca caqabadaha laga eego ma muuqdaan caqabado bannaanka yaal oo halis ku ah tartankiisa, waxaase jiri kara caqabado dhinaca gudaha ka jira sida Isbaheysiyada, Xildhibaanada iyo dadka uu siyaasad ahaan la jaanqaadi karo.

Xasan Cali Khayre

Khayre waa ra’isalwasaaraha xukuumaddii Farmaajo, waxa uu xilkaas hayey muddo ka badan 3 sano, 2020 ayuu ku biiray midowga musharixiinta Soomaaliya, Khayre waxa uu sameeyey olole iyo abaabul balllaaran oo kusaabsan tartanka madaxweynaha 10aad ee Soomalaiya.

Tartanka iyo ololaha Khayre waxa horyaal caqabado waaweyn oo ay kmaid yihiin Dhiibistii Qalbidhagax, dhibaatadii ka dhalatay qorshihii Xasilinta Caasimadda, Weeraradii lagu qaaday siyaasiyiinta mucaaradka iyo doorashooyinkii dhiiggu ku daatay ee kadhacayy Dhuusamareeb iyo Baydhaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here