Taariikhda Sanado badan kadib  Maamulka Yuhuuda oo gumeysi,dil barakicin iyo yasmo ku hayay Muslimiinta Dalka Falastiin ayaa markii ugu horeysay jabkoodu banaanka yimid kadib dagaaladii lama filaanka ahee ee shalay ku bilowday.

Dagaalka shalay ay Xamaas ku harqisay dhulka Iraa’iil ama Yuhuuda wuxuu banaanka keenay daciifnimadooda markii shalay kaliya ay ka dileen ku dhawaad 500 ruux oo u badan ciidamadii xasuuqi jirey shacabka.

Advertisement

Warka ugu muhiimsan oo warbixinteenu daaran tahay ayaa ah  in Milatariga Yuhuudu maanta cadeeyeen inay shacabkooda ka rarayaan dhamaan magaalooyinka iyo Xaafadaha ku dhaw aagaga ay ku xoogan yihiin  Xamaas sida  GAZA oo kale.

24-ka saac ee soo socda ayay qabsadeen inay dhammaan dadkooda  daad gureynayaan si ay shacabkooda  uga badbaadiyaan Xamaas.

Aduunku  marba waa heere hada waxay taagan tahay inay Yuhuudu naftooda uga baqaan dagaal fool ka fiool ah iyo in Nolosha lagu afduubto halka sanado ka hor ay aaminsanaayeen inay iyaga kaliya wax dhibaateyn karaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleFaysal Cali Waraabe “Haddii arinta Laas-caanood qabiil isku badasho xaqiiqadu waxa ay tahay iyaguba ma joogi doonaan Muqdisho”
Next articleWasiirka Gaashaandhiga iyo Qoor Qoor oo la dar-daarmeen Ciidmo Dagaalka ku sii jeeda+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here