Masuuliyiinta Maamulka Israa’iil ayaa qirtay inay shalay jimcihii Milatarigoodu si qalad ah u dileen sedex ka mid la heystayaal Xamaas ku heysteen Marinka Gaza. 

Milatariga Israa’iil ayaa  war soo saareen waxay ku sheegay inxili ay jireen dagaal ka dhan ah Xamaas  inay la heystayaasha si khaldan ugu aqoonsadeen inay halis ku yihiin Ciidamada.

Sedexda la hayste ee ay dileen ciidamada Yuhuuda waxaa la sheegay inay ahaayeen dhalin-yaro da’ yar waxaana magacyadooda lagu kala sheegay  1-Yotam Haim, 28 jir
2-Samer Tallalka 22 jir, 3- Alon Shamriz, 26 jir.

Advertisement

Dagaalyahanada Muslimiinta ah ee Xamaas ayaa wali gacantooda waxaa ku jira In ka badan 100 la haystayaal ah kadib markii maxabiis ay ku badasheen shacab Falastiiniyin ah oo mudo u afduubnaa Yuhuuda.

Sidoo kale warka ka soo baxay Yuhuuda waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin falkaasi sida qaldan uga dhacay kaasoo ay ku laayeen sedexdaaas la hayste laakiin cagsigeeda waxay maalin kasta si bareer ah u dilaan shacabkla reer Gaza.

Si kastaba shacab careysan oo yuhuud ah ayaa fagarayaal isugu soo baxay kuwaasoo masuuliyiintooda ugu baaqay inay wada-hadal ku soo furtaan la haystayasha halkii ay xoog ku raadin lahaayeen madaama aysan awoodin inay Xamaas kaga itaal roonaadaan Gaza.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

bbcbbc

Previous articleQarax ay ku dhinteen Wiil iyo Aabihiis oo maanta ka dhacay duleedka Xerada Dhadhaab+SAWIRRO
Next articleWasiirka Cadaalada Turkey oo ka hadlay arinta wiilka Madaxweyne Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here