Jowhar (dayniiile.com)-Waxaa shir gaaban wada yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Taliyaha ATMIS qaybta 5, Sar. G. Jean Claude Niyiburana.
Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Maamulka Hirshabelle ee Jowhar gaar ahaan garoonka diyaaradaha ayay isla soo qaadeen arimo ku saabsan amniga, sida hawlgallada milatari ee wadajirka ah oo ay iska kaashtaan Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa ATMIS iyo & wadashaqeynta joogtada ah maamulka Hirshabelle iyo ATMIS.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku amaanay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS guushii laga gaaray dagaalkii Alshabaab looga saaray deegaanka Cali Fool Dheere ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Alshabaab ayaa deegaankaas ku dagaalamayay ku dhawaad laba bilood madaama uu yahay keyn howd ah taasoo adkeysay in si fudud looga saaro walow ugu danbeyn laga saaray.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
DAYNIIILE.COM

