HomeWarkiiYuusuf Garaad " Dowlada way qadatay taladeydii ahayd in dhaqaalaha Evisa wax...

Yuusuf Garaad ” Dowlada way qadatay taladeydii ahayd in dhaqaalaha Evisa wax laga siiyo Maamulka Somaliland

Yuusuf Garaad Wasiirkii hore ee arimaha dibada iyo madax8i BBC-laanta afka Somaliga ayaa shaaciyay in Dowladu qaadatay talo uu hore usoo jeediyay oo ahayd in Dowlada Somalia dhaqaalaha Evisa wax ka siiso Maamulka Somaliland.

Haddaba qoraalka Yuusuf Garaad uu arintaan kaga hadlay halkaan ka akhriso:-

Waxaan hore u qoray in ay ila habboon tahay in dakhliga e-visa loo celiyo ama lala qeybsado Somaliland, si aan loo ciqaabin dadka musaafurka ah ee Hargeysa tegaya oo aan laba lacagood looga qaadin.

Hadda sida Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar, laga soo xigtay Dowladda Federaalku diyaar ayay u tahay in dakhliga la qeybsado.

Waxaan qabaa in la joogo xilli ku habboon in wadahadal farsamo ay furaan Federaalka iyo Somaliland.

E-visa iyo in ka badan ayaa laga wadahadli karaa.

Arriinta aan ka hadlayaa waxa keliya oo ay ku saabsan tahay xaqa qofka musaafurka ah. Inta kale ee la isku hayo waa mar kale iyo madal kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -