HomeWarkiiYuusuf Garaad "In aan dhisno cudud difaac oo ciidan, hub, sad iyo...

Yuusuf Garaad “In aan dhisno cudud difaac oo ciidan, hub, sad iyo saanad militeri leh oo sharci ku shaqeeysa waxay keeneysaa…….

Wasiirkii hore ee Arimaha dibada Somalia Yuusuf Garaad ayaa goor dhaw bartiisa Facebook wuxuu ku soo qorey warbixin uu uga hadlayay xuska sanad-guurada 66-ad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada Xoogga Somalia kuna asteysan  12-ka April.

Yuusuf Garaad “In aan dhisno cudud difaac oo ciidan, hub, sad iyo saanad militeri leh oo sharci ku shaqeeysa waxay keeneysaa in aan lagu soo degdegin geyigeenna iyo danaheenna” ayuu yiri Yuusuf Garaad

Hadaba Qormada Yuusuf Garaad oo sideeda u qoran halkaan ka akhriso:-

Hambalyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sannadguurada asaaskoodu ay maanta tahay walibana sannadba sannadka ka dambeeya ay awooddiisu kor u sii kacayso.

In aan dhisno cudud difaac oo ciidan, hub, sad iyo saanad militeri leh oo sharci ku shaqeeysa waxay keeneysaa in aan lagu soo degdegin geyigeenna iyo danaheenna.

Taas oo qeyb ka ah sugidda iyo horumarinta nabadgelyada.

Marka aan dalkeenna xasilinno, waa in aan higsannaa in Ciidankeennu ka mid noqdo Ciidanka Nabad ilaalinta ee Qarammada Midoobay iyo kan Midowga Afrika si uu gacan uga geysto xasilinta Afrika iyo goobo kale.

Waxaan intaa raacinayaa aqoon kororsi ku socda qaar ka mid ah weriyayaasha iyo dhallinyarada baraha bulshada.

Dayaaradaha dagaalka ee ay ka mid tahay F-16 Turkigu leeyahay oo beryahaan dambe Xamar lagu arkayay ma aha Miig, inkasta oo ay qaar sidaa qorayaan.

Miig oo loo qoro MiG, waa dayaarad dagaal oo Ruushku soo saaro, ka horna Midowgii Soofiyeeti ayaa soo saari jiray.

Artem Mikoyan iyo Mikhail Gurevich ayaa MiG soo saaray billowgii dagaalkii labaad ee dunida 1939 intii ka dambeysayna waa la casriyeynayay. Labada nin ee hindisay ayaa loogu magac daray oo Mikovich laga soo qaatay Mi, ayada oo Gurevich laga soo qaatay G.

Sidaa ayuu magaca dayaaraddu ku noqday MiG.

Waa dayaaradihii dagaal ee Ciidanka Cirka ee Soomaaliya uu ku dagaal galay 1977.

Halka dayaaradaha Mareykanku soo saaro sida F-16, ay F u taagan tahay Fighter oo ah dayaarad dirirta. Waxaa laga duwayaa noocyada kale sida B – oo ah tan wax bam gareysa, A – oo u taagan Attack oo ah dayaarad lagu weerar tago, C oo ah Cargo ama xamuul.

Markaa MiG oo iyadana uu tirsi raaco sida 19, 21, 23 29, 31 iyo 35 iyo F-16 iyo kuwa la nooca ah oo ay F-35 ugu casrisan tahay waxay labaduba ka mid yihiin dayaaradaha dagaalka.

Markaa dayaaradaha dagaalka ayaa kaaga filan laakiin ma adeegsan kartid magaca Miig adiga oo ka hadlaya F-16.

Haddii aad dooneyso in aad ka soocdo dayaaradaha kale ee dagaalka ka qeyb qaata sida kuwa is wada, kuwa qummaatiga u kaca iyo kuwa marwaxada waaweyn militeriga waxaad adeegsan kartaa dayaaradaha dagaalka ee Jetka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -