Wasiirkii hore ee arimaha dibada Yusuf Garad ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay taariikhda Muqdisho isagoo sheegay inay wanaagsan tayay qorshaha dowlada ee la leeyahay Gole Deegaan ayaa shacabku codkooda ku dooranayaan bisha danbe.
Yuusuf Garaad oo sheegay in arintaasi hore u dhicin intuu ogyahay taariikhda.
Haddaba halkaan ka akhriso qormadiisa oo sideeda u qoran:-
Madaxda Gobolka Banaadir iyo Degmooyinkiisu waxay ku yimaadeen haddana ay ku joogaan magacaabid sidii kuwii ka horreeyay.
Inta magaaalada deggeni waa ay aqbalsan yihiin joogitaankooda. Inta ku qanacsan iyo inta kalena waxaan ku wada haysannaa xasillooni.
Haddii la yiraahdo sida uu hadda Gobolku yahay aan uga guurno maamul ku yimaada doorasho qof iyo cod ah, waa talo wanaagsan laakiin ma aha wax sahlan.
Inta aan garto weligeey ma arag Muqdisho oo dooraneysa Golaheeda degaanka iyo dabcan ka dib Duq Magaalo! Mana yari ee ogow.
Haddii dhankaas loo dhaqaaqo waa tallaabo horumar ah, waase in la xaqiijiyaa in ay noo horseeddo aqbalaad, xasillooni iyo adeeg ka sii wanaagsan inta aan hadda haysanno.
Inta kale marka laga soo tago, Maqaamka Caasimadda oo maqan, Madaxda xilalka loo dooranayo oo aan weli la aqoon awoodahooda iyo iyada oo aan laga wadahadal ama aan dhehee aan la shaacin in ay ku saleysnaan doonto saami qeybsi iyo in kale, intaba waxaa ka imaan kara carqalado.
Mid kasta waa laga gaashaaman karaa haddii la yaqiinsado muhiimadda, laga fekero, lagana gaaro xal ama is afgarad looga gudbo marxaladdan.
Waxaan rajeynayaa Hoggaamiyayaasha dhaqanka, ganacsatada, madaxda fulinta iyo Mudanayaasha labada Aqal intuba in ay gacan ka geystaan in hore loo tallaabsado.
Gaar ahaan Guddiga Doorashada iyo Dowladda waxaan ku hanweynahay in ay xusuusan yihiin in doorashada Gobolka Banaadir ay tahay imtixaan ka weyn doorasho Gobol.
Kalsoonida ama kalsooni darrada ka dhalata Madaxbannaanideeda iyo daahfurnaanteedu waxay saameyn ku lahaan kari doonaan doorashada Federaalka.
