Wasiirkii hore ee arimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo galiyay baraha bulshada wuxuu kaga hadlay isbahaysigii 9-ka siyaasi ay ku midoobeen inay isla soo dhistaan Musharax Madaxweyne Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo hore usoo noqday Ra’iisulwasaaraha Somalia.
Qoraalka Yuusuf Garaad wuxuu u qoran yahay sidan:-
Kama mid ahi, se waan soo dhoweynayaa walibana aan bogaadinayaa siyaasiyiinta sheegay in ay ku bahoobeen hal Murashax oo ah Ra’iisal Wasaare hore, Saacid Faarax Shirdoon.
Soomaaliya kuma cusba in siyaasiyiin dhowr ahi ay isku waafaqaan hal murashax Madaxweyne.
Waxaa ugub ah in dhowr siyaasi oo qaarkood hore ugu tartamay Madaxweyne, mid kastaana uu madax u yahay ama uu ka tirsan yahay urur siyaasadeed ay isku waafaqaan hal murashax.
Waqtiga ayaa sheegi doona in ay taasi wax uga goyn doonto teendhada muragada oo marka mid laga reebo, tobannaanka murashax ee subaxa doorashada farxadda ku tagaa ay dhammaantood la soo hoydaan guuldarrada.
