Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somalia iyo madixii hore ee idaacada BBC laanteeda afka Somaliga Yuuuf Garaad Cumar ayaa goor dhaw bartiisa baraha bulshada wuxuu soo dhigay talo ku socot Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Talada oo si gaar ah ugu saabsan gogosha uu dhigay Madaxweyne Xassan ayaa sidan u qoran:-
Maanta oo Arbaca ah, keliya toban maalmood ayaa ka harsan Gogosha Siyaasadda ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku baaqay.
Mowqifyada dhinacyada ee la og yahay ma aha kuwo loogu dhowaanayo is-af-garad ama xataa is arag.
Sida ay ila tahay, mas’uul kasta oo Soomaaliyeed waajib ayaa ka saaran in uu gacan ka geysto in uu najaxo shirka uu Madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay in uu qabsoomo 15-ka bishan Juun.
Ha noqoto in uu Madaxweynaha ku qanciyo in uu meesha ka saaro wax kasta oo dhinacyada ka soo horjeedaa ay qiil ka dhigan karaan si ay shirka uga baaqdaan, ama ha noqoto in uu dhinacyada kale ku qanciyo in ay ka qeyb galaan shirka, waxa ay qabaanna ay halkaa ka sheegaan.
Wadahadal micnihiisu ma aha is-dhiibid.
Waa wax is fahamsiin, waa gorgortan, waa ka digid haadaan, waa isqancin, waa tallaabada koowaad ee jarjarada heshiiska.
Wadahadal waa waddada ugu dib-u-dhaca yar ee lagu gaari karo xal.
Ruush iyo Ukraine dagaalkooda waan aragnaa, wadahadalna waa u socdaa.