HomeWarkiiZelensky oo Ruushka ka cabanaya iyo Trump oo ku adkeynaya inay aqbalaan...

Zelensky oo Ruushka ka cabanaya iyo Trump oo ku adkeynaya inay aqbalaan heshiiska 

Zelensky says to meet Trump Monday after no deal in US-Russia summitWASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka oo Isniinta Dalkiisa ku balamiyay  Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka hor shirkooda wuxuu ku sii adkeynaya Zelensky inuu aqbalo qorshaha heshiiska xabad joojinta ee uu ka dhex wado iyaga iyo Ruushka.

Zelensky laftigiisa ayaa ka cabanaya Putin isagoona ku eedeyay inuusan diyaar u ahayn joojinta dagaalka iyo xasuuqa uu ka wado dalkiisa.

“diidmada Ruushka ee ah in la ogolaado xabbad joojinta waxay adkeyneysaa dadaallada lagu joojinayo dagaalka” ayuu yiri Zelensky  oo ah Madaxweynaha Ukraine

Volodymyr Zelensky wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Ruushka inuusanba ogoleyn xabbad-joojin iyo dilka shacabka dalkiisa taasoo sii adkeynaysa xaalada sida uu sheegay Madaxweynaha Ukraine.

Xili Zelensky  uu aaminsan yahay in Putin uu diidan yahay nabada ayuu Madaxweynaha Mareykanka Trumo wuxuu warbaahinta u soo mariyay Zelensky   codsi ah inuu aqbalo wada xaajoodka uu garwadeenka ka yahay si nabad looga gaaro dagaalka kala dhaxeeya Ruushka

Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale saxaafada u sheegay in heshiiska xabad joojinta uu doonayo inuu u rogo mid toos ah oo joogto ah marka uu dhawaan kulanka kale la qaato Putin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -