XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeygii hore ee Real Madrid iyo Faransiiska, Zinedine Zidane, ayaa si weyn u ammaanay xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal, isagoo sheegay inuu si joogto ah ula yaabo heerka ciyaarista da’yarka Barcelona.
Zidane oo ka hadlayay ciyaartoyda uu jecel yahay, ayaa yiri:
“Ciyaartoyda aan jecelahay? Meel kasta oo garoonka ah ha ka ciyaareen, hal ciyaaryahan ayaa markasta iga yaabiya marka uu kubadda taabto — waana Yamal.
Ciyaartii Champions League ee uu la yeeshay Inter Milan xilli ciyaareedkii hore ee ka dhacday San Siro, isagaa wax walba sameeyay.”
Zidane ayaa sidoo kale amaanay ciyaartoyda Vitinha iyo Neves, isagoo sheegay in labadooduba yihiin kuwo aan si sahlan kubadda u lumin:
