Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf dhuxulow ayaa shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Hay’adda, kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee HSJ. Shirkani wuxuu qeyb ka yahay kulamada joogtada ah ee dib loogu eegayo howlaha hay’adda, lana isugu keenayo talo-wadaag, qorsheynta shaqo, iyo kor u qaadista tayada adeegyada Hay’adu bixiso.
Ugu horrayn, Agaasime Waaxeedyada iyo Agaasimeyaasha Laamaha Hay’adda ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay hawlaha shaqo ee uqabsoomay, caqabadaha jira iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo howlaha hay’adda, gaar ahaan kuwa la xiriira adeegyada baasaboorka bixinta iyo socdaalka.
Agaasime Mustaf dhuxulow ayaa kula dardaarmay kor u qaadista tayada adeegyada, dardargelinta shaqooyinka muhiimka ah, iyo la jaanqaadidda nidaamka casriga ah ee adeegyada dadweynaha.
sidoo kale wuxuu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo adeeg hufan, daah-furan, si degdeg ahna loogu adeego shacabka, loogana jawaabo baahiyaha jira, isaga oo sidoo kale bogaadiyay shaqada wanaagsan ay hayaan Agaasimeyaasha iyo howlwadeenada kale, kuna dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si Hay’addu uga mid noqoto kuwa ugu horeeya ee bixiya adeegyo la isku halleyn karo oo tayo sare leh.
Office Nairobi Kenya