MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Muqdisho ka dhoofay xujeydii ugu horeysay ee soo gudaneysa acmaasha Xajka ee sanadkaan.
Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia ayaa munaasabad sagootin ah waxay u sameeyeen xujeyda maanta baxday kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 431 qof.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayay ka dhoofeen waxaana goob joog ka ahaa sagootinta Wasiiro ka tirsan Xukuunada Somalia.
Wasiirada waxay kala yihiin Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Robow Cali, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux iyo masuuliyiin kale.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM