BAYDHABA (DAYIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka Koofur-galbeed ayaa sheegaya in Maxkamada Gobolka bay ay u fadhiisatay dhageysiga dacwadda kiis dil ah oo loo heysto Axmed Cabdullaahi Maxamuud .
Eedeysanaha ayaa loo heystaa inuu Magaalada Baydhabo ku diley marxuum Abshir Xasan Cabdiraxmaan.
Maxkamada ayaa ku xukuntay Dil toogasho ah eedeysanaha kadib markii Maxkamadda la horkeeney marqaatiyaal goob joog u ahaa falkan dilka ah kuwaasoo maxkamada u sheegay siduu dilka u geystay ninka eedeysanaha ah.
Hay’adaha ku shaqada leh ayaa lagu wadaa inay fuliyaan xukunka dilka ah islamarkaana tyiirka geeyaan eedeysanaha si uu isna u dhadhamiyo xanuunka dhimashada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM











DAYNIILE.COM











