Pakistan ayaa beenisay sheegashada ciidamada qalabka sida ee Hindiya ee ah in xarumaha militariga ee Kashmir ay maamusho Hindiya Jammu iyo Udhampur, iyo Pathankot ee gobolka Punjab, lagu beegsaday weerarro gantaallo ah iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.
Wasiirka warfaafinta Pakistan ayaa sheegay in dalkiisa uu ku hawlan yahay oo kaliya jawaab difaac ah ilaa hadda weerarrada India ee dalkiisa, iyadoo millatariga Pakistan uu sheegay in Hindiya ay weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Pakistan Khamiistii, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan laba qof oo rayid ah.
Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay – 32 ka mid ah ayaa lagu dilay Pakistan – tan iyo markii Hindiya ay gantaallada ridday Arbacadii in ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday xeryaha argagixisada wax ay ku sheegeen ee Pakistan.
Isku dhacyada ayaa daba socda xiisada sii kordheysa ee u dhaxeysa labada dal ee ku hubeysan Nukliyeerka tan iyo markii uu dhacay weerar lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Kashmiir ee Pahalgam ee ay Hindiya maamusho 22-kii Abriil, kaasoo India ay ku eedeysay Pakistan. Pakistan waa ay beenisay inay wax lug ah ku leedahay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM