ANKARA (DAYNIILE.COM)-Xisbiga shaqaalaha Kurdistan, ama PKK, ayaa ku dhawaaqay in ay qorsheynayaan in la kala diro oo hub ka dhigis lagu sameeyo, taas oo keeni karta in la soo afjaro tobanaan sano oo colaad kala haxeysay Dowlada Turkiga.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay heshiiska ay la gaareen KPP wuxuuna ku ammaanay tallaabada heshiisyada lagu gaaray sida inay kurdiyiintu hubka dhigaan ,Dowlada la heshiiyaan sidaasna lagu soo afjaro dhibaatadii mudada taagneyd.
Talaabadan ayaa waxaa shaacisay wakaalada wararka ee Firat oo ah warbaahin aad ugu dhow kooxda hubaysan ee kurdiska.
Ku dhawaaqista, oo qayb ka ah hindise cusub oo nabadeed oo lala galay Ankara oo loogu talagalay in lagu soo afjaro rabshado socday afartan sano, ayaa daba socotay baaq bishii February uu hoggaamiyaha xabsiga ku jira ee PKK Abdullah Ocalan ugu baaqay kooxda inay hubka dhigaan.
Ka dib shirweynihii xisbiga ee waqooyiga Ciraaq oo dhammaaday Jimcihii, kooxdu waxay sheegtay inay gaadheen go’aamo taariikh ah oo lala wadaagi doono dadweynaha dhawaan.
Firat ayaa sheegay in bayaan uu soo saaray Ocalan oo qeexaya aragtida iyo soo jeedintiisa la akhriyay intii uu socday shirweynaha.
Bayaan uu soo saaray Firat Isniintii, PKK ayaa ku dhawaaqday in halgankeeda hubaysan uu si guul leh uga horyimid siyaasadaha doonaya in lagu cabudhiyo xuquuqda Kurdiyiinta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM