GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug qeybta Puntland ayaa sheegaya in aabe ka carooday gabadhiisa oo la dhibaateeyay uu geystay dil iyo dhaawac.
Aabahaan waxaa la soo sheegayaa in gabar uu dhalay ay isbaaro u dhigteen laba nin oo dhalinyaro ah islamarkaana burcad ahaa kuwaasoo ka qaatay Mobile gacmeed ay wadatay.
Aabahaan isagoo talaabadaasi ka carooday ayuu weerar ku qaaday kuwii burcada ahaa wuxuuna dilay mid ka mida halka mid kalana uu dhaawacay,arinta yaab leh ayaa ah inuu isaga lugihiisa ku tagay saldhiga booliiska sidaasna lagu xirey madaama uu dil geystay.
Taliska Booliska Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyaan dhacdadaani uu gacan ku dhiiglaha ku noqday aabahaani.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM