Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.
Sidoo kale waxaa durba ka hadlay go’aanka Gudoomiyaha xildhibaanada mucaaradka waxayna shaaciyeen ineysan ku qanacsaneyn warqadaasi.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo u hadlay mucaaradka ayaa shaaciyay inwarqada ka soo baxday Gudoomiye Aadan Madoobey aysan lahayn sumad ,tixraac iyo saxiixa gudoomiyaha baarlamaanka intaba sidaas daraadeedna aysan ku qanacsaneyn.
Sidoo kale xildhibaanada wada mooshinka xil ka qaadista Gudoomiye Aadan Madoobe waxay cadeeyeen ineysan ka laabaneyn mooshinkooda madaama Gudoomiyuhu warqada ku cadeyn inuu ka laabtay xasaanad ka qaadkii Xildhibaan Abiib.
Warqada Gudoomiye Adan Madoobe ayaa sidan u qorneyd:-