HomeWarkiiAbiy Axmed "waxaan qaadanay siyaasad cusub oo ku salaysan ilaalinta danaha Qaranka"

Abiy Axmed “waxaan qaadanay siyaasad cusub oo ku salaysan ilaalinta danaha Qaranka”

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaada inay wax ka badaleen siyaasadihii hore ee ay kula macaamili jireen Dunida isagoo tilmaamay inaysan waxba ka faa’iidin wadadii ay hore ugu socdeen.
Abiy Axmed wuxuu intaasi ku daray in siyaasadda cusub ee ay qaateen ay tahay mid ku salaysan ilaalinta danaha Qaranka,xoojinta ganacsiga, saaxiibtinimada iyo xiririka dalalka la deriska ah.
“waxaan qaadanay siyaasad cusub oo ku salaysan ilaalinta danaha Qaranka,waana iska xirnay siyaasadihii hore oo wax faa’iida ah aan ka weynay”ayuu yiri Ra’iisulwasaare Abiy Axmed
Mar uu soo hadal qaaday xiririka kala dhexeeya Dalalka Carabta ayuu aad u amaanay isagoona si aan gagabasho lahayn ugu deyriyay Israa’iil madaama uu xiriri fiican la leeyahay carabta.
“Madaama aan Saaxiib la nahay Wadamada Carabta uma baahnin Israa’iil”ayuu yiri Abiye oo dhanka kalana tilmaamay inay diyaar u yihii xalinta khilaafka ka dhexeeya Carabta iyo Yuhuuda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -