HomeWarkiiShirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac uu ku yimid iyo...

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac uu ku yimid iyo waqtiga loo badalay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlada Somalia ayaa lagu shaaciyay  in  shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka  ee maanta loo balansanaa inuu baaqday sababo jira awgood.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sii sheegay in kadib wada-tashi ay yeesheen Madaxda Qaranka lagu go’aamiyay in shirku bilaaban doono isniinta oo bishu tahay 5-ta bisha May 2025.

Shirkaan oo ah mid u dhexeeya madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa qaranka ayaa hadana waxaa la sheegayaa in Madaxweynaha Puntland uu wali diidan yahay ka qeybgalka shirkaani.

Maamulka Jubaland waxaa iyagana u diidan  Dowlada iyadoona shuruud looga dhigay inay marka hore ka laabtaan natiikada doorashadii uu dhawaan isku caano shubay Axmed Madoobe.
Dhanka kale waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Gal-udug,Koour-Galbeed iyo Hirshabelle kuwaasoo u yimid ka qeybgalka shirka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -