Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka ahna xubno katirsan Golaha Wasiirada XFS ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha, asiga oo sidoo kale Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday inuu talo bixin iyo talaabooyin ku haboon kasoo gudbiyo xubnahan si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.


