HomeWarkiiAfhayeenka Booliiska oo goordhaw ka warbixiyay kiisas dilal ah oo Saaka uu...

Afhayeenka Booliiska oo goordhaw ka warbixiyay kiisas dilal ah oo Saaka uu dhacay midkii ugu dambeeyay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Afhayeenka Booliiska Soomaliya C/fataax Aadan ayaa goor dhaw shir jaraa’id uu qabtay wuxuu kaga hadlay ilaa 4 kiis oo dilal ah kuwaasoo kooxihii geystayna ay soo qabteen.

Kiisaaskaan uu afhayeenku ka war bixiyay oo dhacay asbuucii ugu dambeeyay waxaa ugu dambeeyay kiis saaka ka dhacay Degmada Xamar jajab oo koox burcad ah dhexdooda iska dileen.

Kiiska 1aad oo saaka ah wuxuu Afhayeenku sheegay inay dhexdooda isku qabteen Mobile gacmeeyo ay ka soo dhaceen Degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho kadibna is rasaaseyn dhexmartay ay mid iyaga ka mida iska dileen.

Af-hayeenka wuxuu sheegay in kooxdaasi dhamaantood ay soo qabteen oo ay xabsiga ku hayaan.

“saaka aroortii waxaa sedex eedeysane oo lagu raad joogay kuwaasoo mobile gacmeedyo soo dhacay ay isla iyagii oo daraagis isticmalay waxay isku qabteen wixii ay soo dhaceen kadibna dhexdooda ayay is rasaaseeyeen gudaha xamar jajab, halkaasi mid ayaa ku dhintay midna waa dhaawac midna wuu baxsaday.”ayuu yiri Afhayeenka oo sii raacsaday kooxdaasi midkood guriga hooyadiis inay ka heleen qoreygii dhaca uu u adegsanayay.

Kiiska 2-aad wuxuu ka dhacay isla Degmada Xamar jajab 9-kii bishaan May abaare 1-dii saqda dhexe  Sida uu sheegay Afhayeenka Booliiska,kiiskaani wuxuu si gaar ah uga dhacay nawaaxiga Iskuulka Raage Ugaas  kadib markii 4 eedeysane oo hubeysan ay dhexdooda dagaalameen.

Dagaaka kooxdaan oo ka bilowday handadaad iyo jir dil wuxuu ugu dambeyn ku soo dhamaaday sida Afhayeenku sheegay in la dilo  Mahad C/raxmaan Axmed , dhamaan eedeysanayashana waana la hayaa.

Kiiska 3-aad wuxuu dhacay 13 may abaare 10:30 barqanimo sida uiu sheegay Afhayeenka wuxuuna ka dhacay Degmada Hodan qeybta waliyow Cadde waxaana si raxan daro ah gurigiisa dhexdiisa loogu dilay Gaashaanle sare C/qaadir Xuseen Cigaal, waxaana loo qabtay oo xiran 5 eedeysane oo tuhmanayaal ah %100 sida uu sheegay afhayeenku.

Kiiska 4-aad wuxuu ka dhacay 12-kii May abaare 8 saac iyo bar nawaaxiga shineemo cabdi waayeel ee Degmada Heliwa markii halkaasi lagu dilay Faysal C/laahi  oo ahaa Injineer u shaqeynayay shirkada Hurmuud waxana loo qabtay gacan ku dhiigihii ka dambeeyay dilkaasi.

Afhayeenka wuxuu ugu dambeyn shirkiisa jaraa’id ku sheegay in eedeysanayaasha gacan ku dhiiglayaasha ah badankood ay yihiin kuwo hore dilal u geystay oo maxkamadaha Dowladu qaarkood dilal ku xukumeen balse reeraha dhexdooda ay dilal kala qaateen.

Afhaheenka wuxuu u soo jeediyay waalidiinta inay iska daayaan diya qaadashada madaama gacan ku dhiigle uusan faa’iido lahayn islamarkaana uu halkiisa ka sii wadayo dilalka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -