HomeWarkiiAgaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow  oo  kulan  la...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow  oo  kulan  la yeeshay Guddiga Isku-dhafka diyaarinta qandaraaska hannaanka baasaboorka Soomaaliyeed.

Wararka ka imaanaya Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf dhuxulow ayaa  sheegaya in kulan muhiim ah  la yeeshay Guddiga Isku-dhafka ee u xil-saaran diyaarinta qandaraaska hannaanka lagu tayaynayo dukumentiga baasaboorka Soomaaliyeed.

Guddigan Isku-dhafka ah oo ay ka mid yihiin Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNOPS, Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), ayaa waxa ay ka shaqeynayaan hagidda iyo talo-bixinta ku saabsan hannaanka iibka iyo qandaraasyada si dib-u-habeyn dhameystiran loogu sameeyo baasaboorka Soomaaliga. Ujeeddadu waa in la hirgaliyo baasaboor leh qaab-dhismeed, amni iyo muuqaal casri ah (3rd Generation) oo ka sarreeya kan hadda la isticmaalo, isla markaana u qalma muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in baahi wayn loo qabo in la helo dukumenti tayo sare lehna astaamaha amniga ee ugu sarreeya, si uu ula jaanqaado baasaboorada caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah u adkeeyay in hannaanka qandaraaska uu noqon doono mid si buuxda u daah-furan, oo ay ka qayb qaadan karaan dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee leh waayo-aragnimada iyo awoodda farsamo ee lagu horumarin karo baasaboorka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay UNOPS kaalintooda farsamo ee joogtada ah, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga dhow ee u dhexeeya HSJ, Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee ku lugta leh mashruuca, si gaar ahna waxa uu tilmaamay in mashruucan uu yahay mid taariikhi ah oo qayb ka qaadan doona tayaynta baasaboorka Soomaaliyeed iyo sumcaddiisa caalamiga ah.

Sidoo kale  Agaasimaha ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in la dadajiyo dhammeystirka dukumentiyada si daahfurka rasmiga ah ee qandaraaska loogu qabto muddo kooban, isagoo balanqaaday in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay si buuxda uga go’antahay hirgelinta mashruucan qaran.

Abdihakim Elmi Hassan

 Nairobi kenya

 

 

 

 

 

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -