Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf dhuxulow oo wada howlihii loo igmaday ayaa kulan la qaatay Shaqaalaha Saraakiisha Waaxyaha Jinsiyadda, Baarista iyo Arrimaha Bulshada.
Ugu horrayn, madaxda waaxyaha ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, oo ay kamid yihiin howlaha joogtada ah ee la xiriira diiwaangelinta, hubinta dukumentiyada, xaqiijinta iyo bixinta baasaboorka, iyo sidoo kale maaraynta cabashooyinka ka yimaada muwaadiniinta iyo sidii loo hurmarin lahaa teknolojida ay hay’addu ku shaqayso.
Agaasime Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ku amaanay saraakiisha dadaalka ay muujiyeen iyo dhabar-adeygga ay u leeyihiin gudashada waajibaadkooda shaqo, isagoo xusay in bilihii lasoo dhaafay arrimaha mudnaanta lasiiyay ay ugu horeeyeen joojinta wax ka bedelka macluumaadka baasaboorka taas oo siweyn u kordhisay sumcadda baasaboorka Soomaaliga iyo taalbooyin kale oo la qadaay si loo horumariyo baasaboorka.
Agaasimaha ayaa intaas waxa uu intaas ku daray in iyana xoogga la saaray dib u habaynta socdaalka gaar ahaan ka hortagga dukumintiyadda been abuurka ah iyo socdaalka sharci darada si gaar ahna siwayn wax looga qabtay tahriibinta dadka oo dhibaato xooggan ku haysay dalka.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa xusay in intabadan shaqaalaha hay’adda lagu daray diiwaanka shaqaalaha rayidka oo aysan horay uga mid ahayn si xuquuqdooda loo ilaaliyo maadama ay adeegyada dowladda kuwooda ugu muhiimsan hayaan.
Sidoo kale Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay xooga saaraan tayada iyo hufnaanta adeegyada, si gaar ahna loo horumariyo adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta baahiyaha gaarka qaba, si ay u helaan adeegyo casri ah oo la jaanqaadaya baahidooda.