HomeWarkiiAl-shabaab oo Saaka weerar ku soo qaaday Baardheere

Al-shabaab oo Saaka weerar ku soo qaaday Baardheere

BAARDHEERE (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Gobolka Geddo ayaa sheegaya in saaka kooxda Alshabaab weerar ku soo qaadeen duleedka Magaalada Baardheere gaar ahaan deegaanka Baraxow oo ciidamada Dowladu fariisin ku leeyihiin.

Labada dhinac ayaa waxaa dhex maray dagaal waqti kooban socday kaasoo ciidamada Dowladu isaga caabiyeen Alshabaabka weerarka soo qaaday sida ay sheegeen saraakiisha ee Magaalada Baardheere.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka uu hakad soo galay intii rasaastu socotay.

Ciidamada Dowlada ayaa ku guuleystay inay dib isaga riixeen dagaalamayaasha Alshabaab iyadoo dhamaan goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada Dowlada walow, dagaalka kadib ciidamada Dowladu waxay bilaabeen howlgal ay ku daba joogaan kooxda weerarka soo qaaday.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -