HomeWarkiiAlshabaab la sheegay inay Yemen ku soo barteen sida loo maamulo diyaaradaha...

Alshabaab la sheegay inay Yemen ku soo barteen sida loo maamulo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

SANCA (DAYNIILE.COM)-Koox ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay Dalka Yemen ka soo barteen sida loo maamulo ama loo hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drons-ka.

Xarunta Daraasaadka istaraatiijiyada Afrika ayaa warkaani laga soo xigtay,waxay warbixintooda ku shaaciyeen in dagaalamayaasha tagay yemen ay tageen dhanka ay ka taliyaan kooxda xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Dowlada Iiraan, waxayna soo qaateen tababar ku saabsan maamulada drons-ka xanaabara gantaalada qarxa.

Xaruntaan Daraasaadka istaraatiijiyada Afrika oo ilo sirdoon soo xiganaya ayaan warbixintooda ku cadeyn waqtiga rasmiga ah ee kooxda Alshabaab gaareen Yemen iyo waliba inay hada Somalia ku soo laabteen iyo inay wali yemen ku maqan yihiin.

Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu sheegay in Xuutiyiintu Alshabaab ku wareejiyeen qaar ka mida Drons-ka meelaha dheedheer laga hago kuwaasoo iyagana ay ka heleen Iiran.

Bilihii ugu dambeeyay waxay soo xogeysanaya wararka sheegaya inuu jiro xiriir dhex maray Xuutiyiinta iyo Alshabaab walow diblomaasiyiinta Soomaalida qaarkood aaminsan yihiin wax xiriir ah uusan dhexmarin labadaan koox balse wararkaani yihiin kuwo la rabo in lagu kala fogeeyo shucuubta Soomaalida iyo Yemen.

XAFIISKA WARARKA  SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -