Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab oo garab ka helaya kuwa Jubbaland ayaa laga sameeyay duleedka deegaanka Barjala ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkaan oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa lagu burburiyay fariisimo istaraatiiji ah oo kooxda Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaankaas, kuwaas oo muhiim u ahaa isku xirka iyo dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka argagixisada.
Intii uu socday howlgalka, waxaa la dilay in ka badan 48 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka labo kalena ay ciidamada nolosha ku qabteen.
Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay ka mid yihiin qoriga Dhashiikaha (BKM), qoryaha AK47 iyo agabyo kale oo muhiim u ahaa maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta. kasoo daawo link telegram.






