HomeWarkiiAlshabaab oo aag cusub ku furtay macawisleyda Beesha Xawaadle

Alshabaab oo aag cusub ku furtay macawisleyda Beesha Xawaadle

MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa saaka aag cusub ku furtay macawisleyda beesha Xawaadle kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay ku dagaalamayay deegaanka ceel0-hareeri ee dhaca xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe balse.

Alshabaab waxay saaka weerar ku qaadeen walibana sheegteen inay qabsadeen deegaan lagu magacaabo Moora-Ari oo aan hore dagaalo uga jirn balse sida Ceel-hareeri isna hoos taga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaani oo ahaa mid hubka nuucyadiisa kala duwan la isu adeegsaday ayaa war dhanka macawisleyda laga helay wuxuu sheegayaa inay iska caabiyeen weerarka alshabaab ay ku soo qaadeen deegaanka.

Ma jirt warar madax banaan oo laga helayo dagaalkaani iyo khasaaraha ka dhashay intaba walow alshabaab ay baraha bulshada ku faafiyeen inay macawisleya Xawaadle ka saareen deegaanka Moora-Ari

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -